1462A9D6 A1FE 4F63 AFFE B5FA1E20A282 - Wardeeq news

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ee culimada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalkeenna, isaga oo la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taabbo-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

D742FB01 1000 44A7 B8ED 44EF19454C02 - Wardeeq news
1462A9D6 A1FE 4F63 AFFE B5FA1E20A282 - Wardeeq news
C606ACC3 C2BF 44BB 97D0 42027D6FD708 - Wardeeq news
Verified by MonsterInsights