Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa soo xiray aqoon-isweydaarsi hal maalin ah oo ku saabsanaa habraaca xiriirka hay’adaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah.
Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin u qaabilsan xiriirka iyo warbaahinta hay’adaha dowladda. Intii uu socday, waxaa la soo bandhigay tusaalooyin iyo tijaabooyin la xiriira hab-maamulka farriimaha degdegga ah.
Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dowladda mudnaan gaar ah siisay mideynta farriimaha ka soo baxaya hay’adaha, si ay u noqdaan kuwo degdeg ah, sugan, isla markaana xambaarsan xogaha ay shacabku sugayaan waqtiga ku habboon, si looga hortago marin-habaabinta iyo been-abuurka.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, ayaa bogaadiyay isku-xirnaanta sii xoogeysaneysa ee hay’adaha dowladda ee ku aaddan mideynta farriimaha. Ugu dambeyn, wasiirradu waxay shahaadooyin guddoonsiiyeen ka qeybgalayaashii aqoon-isweydaarsiga.





