deni - Wardeeq news

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu kulan gaar ah Magaalada Garoowe kula yeesho Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga dowlad Goboleedka Puntland.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixino kaga dhageysan doonaa Saraakiisha Ciidamada, isla markaana uu farayo in la adkeeyo Amniga guud ee degaannada Puntland.

Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku amray Saraakiisha Ciidamada inay dardar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga guud ee degaannada Puntand.

Kulankaan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne Deni uu sidoo kale maanta la ballansan  yahay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo uu ku casumay kulan qado ah oo albaabadu u xiran yihiin, kadib markii ay soo baxeen mooshin ay kula xisaabtamayaan Xukuumaddiisa.

Verified by MonsterInsights