Tobaneeyo qof ayaa dhimatay ka dib markii weerar lagu soo qaaday magaalada Palma ee waqooyiga dalka Mozambique, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalkaasi.
Ilaa 7 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa la dilay xilli ay isku dayayeen inay ka baxsadaan goob Huteel ah oo ay ku go’doonsanaayeen.
Boqollaal qof oo kale oo isugu jira ajaaniib iyo dadka deegaanka ayaa sidoo kale wararka sheegayaan in la soo badbaadiyo. Magaalada Palma ayaa tan iyo Arbacadii waxaa weerar ku hayay kooxo mintidiin ah oo halkaasi ka dagaalama.
Ma cadda tiradda rasmiga iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday magaalada Palma, ee ku taalla gobolka Cabo Delgado. Magaalada iyo xeebtaba waxaa tuurnaa meydad ” qaarkood madaxa ayay ka go’naayeen”, sida uu sheegay Col Lionel Dyke, oo shirkadiisa dhanka ammaanka ay booliiska Mozambique u xilsaareen sugidda ammaanka aagaasi. Wararka ayaa sheegaya in kooxdan ay la wareegeen magaalada Palma, balse wararkani ma aha kuwa la xaqiijin karo maadaama isgaadhsiinta ay goobtaasi ka go’an tahay. Arbacadii markii ay kooxdani mintidka ah ay weerarka soo qaadeen waxay bartilmaameedsadeen dukaamda, bangiyada iyo saldhigyada militari.
Waqooyiga Mozambique ayaa tan iyo sanaddii 2017 waxay ahayd goob ay kooxo islaamiyiin ah weeraro ka wadeen.
By:Jim’ale ismail