MADAXWAYNIHII HORE EE DALKA IVERY COST OO DHAWAAN MAXKAMADI XUKUMAYSO .

0
197

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ee ICC ayaa Arbacada go’aan ka gaadhi doonto kiiska ka dhanka ah madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo. Gbagbo oo ah 75 sano jir iyo hoggaamiyihii dhallinyarada ee hore ee Charles Ble Goude ayaa laga tirtiray dambiyadii loo haystay sannadkii 2019-kii kuwaas oo la xidhiidha rabshadihii doorasho dhacday toban sano ka hor. Dacwad oogayaasha ayaa ka hor imaaday tallabada kiiska looga bari yeelay Mr. Gbagbo waxayna doonayaan in dib loo maxkamadeeyo. In ka badan 3,000 oo qof ayaa la dilay ka dib markii u masuulkani dood galiyay natiijadii doorashadii 2010-kii.

Madaxwaynaha ayaa diiday inuu xilka ku wareejiyo madaxweeynaha haatan talada haya ee Alassane Ouattara, balse waxaa taasi soo farageliyay ciidamada Faransiiska. Sannadkii 2011-kii ayaa kiiskiisa loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee magaalada Hague.

By:Jim’ale ismail

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here