20240713 152216 - Wardeeq news

Muqdisho (wardeeqnews) – Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa gudaha xabsiga dhaxe ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lasoo sheegayaa in ay ka dhax dagaallamayaan xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab oo kamid ahaa maxaabiista xabsiga ku xirnaa.

Sidoo kale, qaraxa ayaa la sheegay in markii hore laga maqlay gudaha xabsiga Dhaxe ee Muqdisho, waxaana qaraxa kaddib halkaasi ka bilowday rasaas , waxaana lasoo warinayaa in xabsiga hadda la geeyay diidamo xoojin ah kuwaa oo dagaal kula jira ragga hubeysan.

Dhanka kale, Wali lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ka socota gudaha xabsiga dhaxe ee Xamar, waxaana dad badan isweediinayaan sida maxaabiista xabsiga ku xirneed ku heleen hubka iyo qaraxyada ay ku dagaallmayaan.

Ugudambeyn, laamaha amniga dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidanka asluubta ayaan wali ka hadlin xaalada ka taagan xabsiga dhaxe ee Xamar, mana ahan markii ugu horreysay ay gudaha xabsiga sidaan oo kale uga dhax dagaalamaan maxaabiis hub loogu geeyay.

Verified by MonsterInsights