Madaxweyne Laftagareen oo Boqolaal Shacab ah kula Tukaday Salaadda Ciidul Fidriga Madaxtooyada Baydhabo
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda kula tukaday salaadda Ciidul Fidriga Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa shacabka kala qeyb galay farxadda munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga, isagoo u diray hambalyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed. Wuxuu tilmaamay in Ciiddu ay tahay fursad lagu xoojiyo midnimada, is-jacaylka, iyo wadajirka bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo nabadda iyo xasilloonida, si loo dardargeliyo horumarka iyo dib u dhiska deegaanada Koonfur Galbeed.

Munaasabadda salaadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka,xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, maamulka Gobolka kan degmada, culumaa’udiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhammaantood si wadajir ah u muujiyay farxadda iyo qiimaha maalinta Ciidul Fidriga.


