Madaxweyne Cirro oo Shacabka Hargeysa Kala Qaybgalay Farxadda Ciidul-Fidriga
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa qaar kamid ah shacabka magaalada Hargeysa kula tukaday salaadda Ciidul-Fidriga Masjid Jaamica weyn ee magaalada.
Munaasabaddan oo ahayd mid si weyn loo dareemay, ayaa waxaa ka soo qayb galay boqolaal qof oo shacabka ah, kuwaas oo si wadajir ah u oogay salaadda ciidda, iyagoo muujinayay midnimo, farxad, iyo wadajir.
Madaxweynaha ayaa salaadda kadib shacabka la wadaagay hambalyada ciidda, isaga oo u rajeeyay nabad, barwaaqo, iyo horumar guud ahaan ummadda Somaliland.

