458523421 561727999708768 2462382611529058415 n - Wardeeq news

Masar ayaa dhawaan Soomaaliya u keenaysa hub culus iyo ciidamo si loo xoojiyo iskaashiga milateri ee labada dal. Tani waxay qayb ka tahay heshiisyada amni iyo difaac ee ay kala saxiixdeen, kuwaas oo loogu talagalay in Soomaaliya looga taageero dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya

Hubkan waxaa ka mid noqon doona qalab casri ah iyo saanado kala duwan, iyadoo ay sidoo kale jiri doonaan ciidan Masaari ah oo ku biiri doona hawlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Dhoolatus milateri oo ay si wadajir ah uga qeyb qaadan doonaan ciidamada badda, cirka, iyo dhulka ee labada dal ayaa la qorsheynayaa inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya, taas oo kor u qaadeysa xiriirka milateri ee Soomaaliya iyo Masar

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay sii kordhiyaan xiisadda ka dhaxeysa Masar iyo Itoobiya, gaar ahaan iyadoo Itoobiya walaac ka muujisay ciidamadan iyo hubkan ay Masar Soomaaliya keenayso

Verified by MonsterInsights