Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Diinta
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Midowga Afrika oo Si Kulul Uga Biyo-diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Wararka
Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab
Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa deegaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Dhexe ku duqeeyey gaari ay Alshab aab ku sideen miinooyin ay doonayeen inay jidadka geliyaan oo shacabka ku dhibaateeyaan iyo maleeshiyaadkii ku howlanaa dhagartaas.   Sida Sawirka ka muuqata gaariga ayaa Gabi ahaanba bas beelay madaama uumiinooyinsiday, La-taliyaha ugu sareeya Iiraan ayaa booqday...
  • Wararka

Midowga Afrika oo Si Kulul Uga Biyo-diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Farxaan Yuusuf3 hours ago02 mins

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya.

 

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una diiday aqoonsiga halka dhinac ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, Midowga Afrika ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Shirka ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii Diseembar 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.

 

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ahi uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana uu halis gelin karo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Qaaradda Afrika.

 

Golaha Midowga Afrika ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.

  • Muxuu Hamza Abdi Barre Kala Hadlay Ahmed Mohamed Islam Madobe iyo Said Abdullahi Deni? – Kulamo Xasaasi ah oo Isha Lagu Hayo**
  • Khamenei wuxuu cafis u fidiyay in ka badan 2,000 oo maxaabiis ah, mana jiraan kiisas la xiriira dibadbaxyada
  • Hay’adda badqabka ayaa ku boorisay shirkadaha diyaaradaha ee Midowga Yurub inay ka fogaadaan hawada Iiraan ilaa Maarso 31
  • Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab

Tagged: Midowga

Post navigation

Previous: Markab Shidaal-Qodis ah oo Turkigu u Soo Diray Soomaaliya, Iskaashi Cusubna Muujinaya
Next: Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab

Farxaan Yuusuf11 minutes ago7 minutes ago 0

Markab Shidaal-Qodis ah oo Turkigu u Soo Diray Soomaaliya, Iskaashi Cusubna Muujinaya

Farxaan Yuusuf3 hours ago 0

Soomaaliya oo Xubin ka Noqotay African Peer Review Mechanism

Farxaan Yuusuf9 hours ago 0