Sanatar Muuse Suudi ayaa kulanka maanta ee Baarlamaanka labadiisa aqal wuxuu ka jeediyay hadalo xildhibaanada dhan ka qoslisiiyay.
Muuse ayaa ka dhawaajiyay inuu arkayo shaqa la”aanta soo wajihi karta xildhibaanada marka muda xileedka dhamaado.
“Waxaan arkaa Xildhibaano marka shaqadaan dhamaato la arki doono iyagoo wada Mota Bajaj”ayuu yiri Muuse Suudi oo si gaar ah ugu dhaga hadlayay kuwa dhalinyarada ah.
Mar uu ka hadlayay dhanka Odayaasha isagoo naftiisa tusaale uga soo qaatay,wuxuu sheegay iyaga in aroosyada iyo sabta laga wici doono.




