Danab ciidan ciidamo dagaal - Wardeeq news

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday

gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Kaas oo muddo socday. Weerarka oo uu dagaal xigay ayaa si weyn looga dareemay gudaha caasimada, waxaana dhawaqa iyo hubka ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay meelo ka baxsan

degmada Kaxda oo ah halka lagu dagalaamay. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Booliska, taas oo lagu magacaabo Buurta

Cali Janaale, waxaana cabsi xoogleh ay soo wajahday dadka deegaanka. Bartan oo lagu hubiyo gaadiidka ayaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay marka hore ku garaaceen qorayga Sabanka, waxaana kadib dhacay iska hor imaad foolka fool. Ah

Verified by MonsterInsights