Xasan - Wardeeq news

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefeshinka Al-jazeera ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay qabsatay qayb kamid ah Soomaaliya, kadib heshiiskiibadda ee ay la gashay Somaliland

Xasan Sheekh ayaa si toos ah u carab baabay ciidamada Itoobiya ee jooga Gedo; wuxuuna sheegay inay qabsadeen garoomada iyo waddooyinka muhiimka ah

ee gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu Itoobiyaanka ku eedeeyay inay hub soo geliyeen gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku wareejiyeen maleeshiyaad qabaa’il o gudaha ku sugan. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkan ay Bannaanka keeneen farogelin uu tilmaamay

in weligeed ay Itoobiya ku haysay arrimaha gudaha Soomaaliya. Inta uu ku guda jiray wareysiga waxaa kale oo uu Madaxweynhu meel adag ka istaagay heshiiska badda ee dhaliyay xiisadda haatan u dhexeyo

Verified by MonsterInsights