images 1 - Wardeeq news

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay, dowladda Itoobiya inay Soomaaliya u joogto dhul ballaarsi ee aysan aheyn mid ay uga difaaceyso cadowga. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi

oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM ayaa eedeynta u jeediyay

Itoobiya, isagoo xusay in joogitaankooda aysan la xiriirin la-dagaalanka. “Aan caddeeyo sheegashada ah in Itoobiya ay Soomaaliya u joogto la-dagaalanka argagixisada waa marmarsiyo lagu doonayo

natiijada dhabta ah ee ku qabsaneyso, kuna ku goosaneyso dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka Sidoo kale waxa uu sheegay in xasadaraha ay Itoobiya ku wajaheyso dalalka deriska ay ka leedahay sidii ay indhaha bulshadeeda uga leexin laheyn halista ka taagan gudaheeda, taasboo ay maareyn la’dahay. “Natiijada dhabta.”

Verified by MonsterInsights