Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, Mudane Maxamed Abshir Jiirow, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta maanta isku soo dhiibeen Ciidanka Qaranka
iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere. Dhallinyaradaan, markii la wareystay, ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanka Galmudug, isla markaana ay go’aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda. Tani waxay muujineysaa in dagaalka ka dhanka ah al shabaab ee Galmudug uu sii socdo, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha kooxda Al shabaab ay u arkeen inay ka liitaan awoodda iyo hawlgallada ka dhanka ah iyaga ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay fulinayaan.