Xiisad xaliy ka jirta Magaalada Muqdisho+

0
186

Xiisad colaadeed ayaa xaliy dib uga soo cusbaanootay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu kala shaki soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

General Saadaq Joon oo watay gaadiidka dagaalka ayaa dib ugu laabtay xaafadda Shirkoole Officiale ee Degmada Hodan, ka dib markii Dowladda Federaalka ay ciidan soo dhoobtay wadooyinka soo gala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in Saadaq Joon uu dareen ka muujiyay ciidanka faraha badan ee Dowladda Federaalka soo dhigtay aagga Garoonka Aadan Cadde, taasoo ku khasabtay inuu dib ugu laabto xaafaddii hal habeen ka hor wadahadalada looga soo celiyay.

Dowladda Federaalka ayaa markale booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad soo dhigtay wadooyinka gala xaafadda Shirkoole, oo ay ku badan yihiin qoyska Saadaq Joon.

Tani ayaa loo fasirtay suurtagalnimada weerar ay markale gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka oo lagu qaado Saadaq Joon, si gacanta loogu soo dhigo jananka.

Xildhibaano ay ka mid yihiin Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa xaliy gaaray xaafadda Shirkoole.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Taliyaha Nabad Suggida, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ku eedeeyay inay beel gaar ahi duulaan ku yihiin, isagoona ku baaqay in la iska difaaco.

”Xildhibaanadeena Habargidir ayaa hadda soo gaaray Shirkoole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo baheystay. Waanan ka guuleysanaynaa Insha’Allah.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xiisaddan ayaa si guud looga dareemay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Shirkoole iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhow.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here