Dhallinyarada Koonfur Galbeed oo Muujiyay Garab Istaag Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Dhallinyarada Koonfur Galbeed oo Muujiyay Garab Istaag Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Wasiiro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo hoggaanka dhallinyarada ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu muujinayay garab istaagga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana lagu cambaareynayay falalka ay ku tilmaameen kuwo guracan oo Dowladda Federaalka ka waddo deegaannada maamulkaasi.

 

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray doorka muhiimka ah ee dhallinyarada kaga aaddan xoojinta dowladnimada, ilaalinta xasilloonida, iyo ka qeyb qaadashada horumarka bulshada.

 

Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhallinyaradu noqdaan laf-dhabarta dowladnimada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan difaaca danaha Koonfur Galbeed.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights