Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Caafimaad-ka Shiinaha oo xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee aadanaha ee hargabka H7N4.

Shiinaha oo xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee aadanaha ee hargabka H7N4.

Wadanka Shiinaha ayaa la xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee aadanaha ee fayraska H7N4 bird flu hargabka halista ah ee shimbiraha, gaar ahaan digaaga, taasoo keentay in Hong Kong ay soo saarto digniin caafimaad oo loogu talagalay dadka ku safraya dhulwaynaha inta lagu jiro fasaxa sanadka cusb ee Lunar.

Cudurka Feyruska ayaa lagu ogaaday haweeney 68-jir ah oo ka timid gobolka bari ee Jiangsu oo la dhigey cusbitaal ka dib markii ay xanuunsatay 25-kii December, laakiin tan iyo markaas laga daweeyay kana bogsootay, sida ay sheegeen Guddiga Qorsheynta Qoyska iyo Caafimaadka Qaranka ee Shiinaha.

Gudiga ayaa sheegay in bukaanku uu xiriir la yeeshay digaaga nool ka hor inta aan calaamadaha la ogaanin ka dib markii lagu soo wargeliyay kiiska Xarunta Hong Kong ee Ilaalinta Caafimaadka in jeermiska uu ka yimid asalka fayraska avian.

Kiisaska ugu horreeya dunida ee hargabka shimbiraha oo ku dhaca aadanaha ayaa lagu sheegay Hong Kong 1997, markii lix qof u dhinteen hargabka H5N1 ee fayraska.

Boqolaal kale ayaa sidoo kale ku dhintay adduunka oo dhan marka uu ka dillaacay, gaar ahaan cudurrada aadka u sareysa sida H7N9.

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...