Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay hurinta colaad sokeeye

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ka digtay hurinta colaad sokeeye

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan hurinta dagaal sokeeye.

Gudoomiyaha ayaa ka digay kicinta fitnada iyo hurinta dagaal sokeeye, oo dalka dib loogu celiyo soddon ka dib.

“Baryahan sidaad la socotaanba xaaladda dalka ma fiicna, waxaan maqleynaa dad, dadka ugu yeeraya dagaal iyo iska horimaad.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa yiri “Diinta Islaamku waa hanuun, waa iftiin, waana nuur, waxaa lagu nasaqay oo ay meesha ka saartay jaahiliya.”

Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu yeeray shacabka iyo siyaasiyiintaba in ay ka qayb qaataan xasilloonida iyo horumarka dalka, bedelkii ay dagaal sokeeye qayb ka noqon lahaayen.

Dalka ayaa si weyn looga dareemay xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta labada sano ee Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Xiisadda ayaana gaartay meeshii ugu sareysay labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib-u-dhiska Dowladda Somaliya.

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...