Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga “Dowlad quwad ciidan ayay ku taagan tahay”

0
151

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa si adag uga falceliyay Warmurtiyeedkii Golaha Nabadda & Amniga ee Midowga Afrika ka soo saareen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay inaanay Ciidanka AMISOM sharciyad u haysan la socodka dhaqdhaqaaqa ee Ciidamada Somaliya, ka dib soo jeedintii Golaha Nabadda & Amniga ee Midowga Afrika ee ahayd in AMISOM la socoto dhaqdhaqaaqooda.

“Midowga Afrika waxay soo saareen dhaqdhaqaaqa Ciidamada Somaliya waa in lala socdaa. AMISOM mandate-keyda maka mid yahay mise waxaa weeye in Xarumaha Dowladda iyo Madaxda Qaranka waardiyeeyaan, sidoo kalena la dagaalamaan kooxaha argagixisada. Ciidamadii aan rabnay anaga inay iyaga ka madax-banaanaadaan miyaa hadda la leeyahay ciidamada ha waardiyeeyaan, maxay ka waardiyeynayaan? Ma shacabkeena ayay cunayaan ciidanka? Ciidanka waa Soomaali, dalka, dadka, dowladda iyo xorriyadda ayagaa iska leh.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhigga oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Wasiir Kuxigeenka ayaa su’aal ka keenay waxa isu soo beegay warka Midowga Afrika iyo hadaladii ka horeeyay buu yiri ee ragga walaalaheen ah meelaha ku hayeen.

“Maxaa kulmiyay hadalkan ka soo baxay Midowga Afrika iyo hadaladii ka horeeyay ee ragga walaalaheen ah meelaha ku hayeen ee ahaa ciidamada haka soo baxaan iyo ciidamada haka yaacaan. Anagoo ognahay jug xun inay nagu dhacday 1991-kii markii aan Ciidankeenii Qaranka kala dirnay, maxaa kulmiyay labadaa?” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya.

Dowladaha deriska qaarkood ayuu ku eedeeyay inaanay doonayn inay Somaliya yeelato dowlad adag iyo weliba ciidan dhisan.

“Dowladaha qaar ee deriska ah oo aan dooneynin in dowlad adag iyo ciidan xoogan uusan dhismin inay qodobkaas ugu darsadayn, ma dareemaysaan?” Ayuu yiri Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo sidoo kale ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa kaloo uu yiri “Waxay ila tahay inaanay marnaba u suuragaleynin, haddaba oggaada ciidankeena waa ciidan qaran.”

Cabdifitaax Qaasim ayaa yiri “Anaga dowlad daciif ah ma rabno, dowladna quwad ciidan ayay ku taagan tahay, ciidankeenana wuu dhismayaa, moral-kiisuna wuu fiican yahay.”

Waxaa uu intaa ku daray “Waxaana u raacinayaa ciidankeena maaha maleeshiyaad meel ku xareysanoo cid kastaba kaalay iska dhaheyso si ku-meel-gaar ah wax baan kuu siinayaa, berritana markaan danteeda gaaro iska socaa ku dhahayaa, maaha. Waxay haystaan dowlad xuquuqdooda iyo daryeelkoodaba u dhameystirtay, intii ay jirtay 4-taan sano iyo billaha yar.”

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here