Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo Wada-tashi Muhiim ah la Yeeshay Odeyaasha Dhaqanka
Gudiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha doorashooyinka koonfur galbeed.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin hirgelinta doorashooyin hufan, wacyigelinta bulshada, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dadweynaha. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa si loo hubiyo in doorashooyinku ku dhacaan si nabdoon oo cadaalad ah.
Gudiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowliga ah iyo bulshada, gaar ahaan odeyaasha dhaqanka oo laf-dhabar u ah nabadda iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.
Odeyaasha Dhaqanka ayaa soo dhoweeyay kulanka, waxayna muujiyeen diyaar-garow buuxa oo ay ku taageerayaan hannaanka doorashooyinka, iyagoo ku baaqay in la joogteeyo wada-tashiyada noocan oo kale ah.
