Madaxweynihii Hore Farmaajo oo Cambaareeyay Tacaddiga ka Dhanka ah Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan
Tacaddiga lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hoygiisa magaalada Muqdisho la dul-dhigay ciidan, lagana qaaday xorriyaddiisa, waa fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah, wuxuuna u muuqdaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu qaaday waddadii kali-talisnimada (dictatorship).
Beegsiga sii kordhaya ee nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo Wasiirrada, Xildhibaannada, Saraakiisha iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee taageersan qabsoomidda doorashada deegaankooda waxa ay caddaynaysaa in Madaxweynuhu uu yahay doorasho diid ka tashaday shacabka iyo haldoorka Soomaaliyeed.
Annaga oo ku baaqayna in degdeg loo siidaayo Taliyaha la afduubtay, waxaan uga digaynaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaanayo ku takri-falka awoodda iyo sii wadidda damaciisa shakhsiga ah ee halista gelinaya dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
DHAMMAAD

