Baarlamaanka Koofur Galbeed oo Dib U Doortay Cali Siciid Faqi Hoggaan La Isku Halayn Karo”
Baarlamaanka cusub ee maanta lagu dhaariyay Magaalada Baydhabo ayaa doortay Guddoomiyahooda cusub oo dib ugu guulaystay Danjire Cali Siciid Faqi, waxaa la tartamay Diini Sheekh Xasan oo kamid ah Xubnaha Baarlamaankaas.
Waxaa la dhaariyay 80 Xildhibaan oo kamid ah 95 xubnood ee xalay looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo, isla tiradaas ayaa u codaysay sida uu sheegay shir guddoonka kulankaas ee sida kumeel-gaarka ah xilka u hayay kahor codaynta.
Danjire Cali Siciid Faqi ayaa helay 67 Cod, musharraxa la tartamay ee Diini Sheekh Xasan waxa uu isna helay 11 cod waxaana hallaabay 2 cod sida uu shaaciyay Guddoonkii doorashadaas natiijadiisa ku dhawaaqay.
