Hogaamiyayaasha Carabta ayaa si wada jir ah isku raacay qorshe shan sano ah oo $53bn ah oo dib loogu dhisayo Gaza iyadoo aan la barakicin Falastiiniyiinta, si looga hortago soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in “la wareego” xeebaha.
Israa’iil, oo weli ku haysa xannibaadda dhammaan cuntada, daawooyinka iyo gargaarka Gaza, ayaa diidday soo jeedinta, halka Aqalka Cad uu sheegay in Trump uu ku taagan yahay aragtidiisa ku aaddan Marinka.