Dowladda Somaliya oo sheegtay inaanan la fasaxin qaadka Kenya

0
257

Dowladda Somaliya ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in dowladdu ay qaaday xayiraaddii ay kol hore ku soo rogtay qaadka laga keeno dalkaasi Kenya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shirkadaha duulimaadyada ku wargelisay in uu mamnuuc yahay qaadka Mirowga ee ka baxa dalka Kenya, isla-markaana aanay waxba iska bedelin siyaasaddii dowladda ee ku mamnuucday keenista qaadkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in qaadka Kenya oo dalka la keeno, iyadoo aan fasax laga haysan ay u arki doonaan ficil sharci-darro ah, xadgudubna ku ah hawada Somaliya, inta ay dowladdu ka soo saareyso wargelin dambe.

Khamiistii ayay ahayd markii Dowladaha Somaliya iyo Kenya ay warmurtiyeed ku sheegeen inay dib u soo celiyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here