Hoggaan Cusub oo Asluubta ah: S.G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo xilka la wareegay
Munaasabad ballaran oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xilka loogu wareejiyay Taliyaha cusub ee ciidankaas, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Waxaa xilka Wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub, iyadoo ay munaasabadda goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan.
Isbeddelkan dhinaca hoggaanka ah ayaa yimid ka dib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu haatan ku jiro xabsi guri.
Arrimahan ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, waxaana xil ka qaadista Taliyaha hore loo arkaa mid salka ku haysa xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo loolanka ka dhashay xiriirka labada dhinac.
