Weerar kedis ah: Al-Shabaab oo jidka u galay ciidamo ka amba baxay Buurhakaba

Weerar kedis ah: Al-Shabaab oo jidka u galay ciidamo ka amba baxay Buurhakaba

Maleeshiyaad beeleed ay taageereyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka ruqaansaday Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa shalay iyo maanta la kulmay weeraro kaga yimid kooxda Al-Shabaab oo la sheegay inay jidgal ka sameeyeen deegaano u dhexeeya Buurhakaba iyo Daynuunaay.

 

Saraakiil ku sugan deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxyo iyo dagaal toos ah ku weerareen maleeshiyaad beeleedka iyo ciidamada dowladda ee wada socda.

 

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac kaasoo tiradiisa aan la shaacin weli.

 

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa wardeeq news u sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed ay ku sugan yihiin difaacyadooda duleedka Baydhabo, ayna jirin wax dagaal ah oo ka dhacay goobaha ay joogaan.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada wadajirka ee ka soo baxay Buurhakaba, oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen (John) ayaa dhankiisa sheegay in kooxda Shabaab ay soo weerareen ciidanka dowladda uuna dhacay dagaal.

 

Wuxuu sheegay in diyaarado drones ah ay ka caawiyeen in la duqeeyo kooxda Shabaab.

 

Ilo wareedyo dhanka amniga ayaa sheegaya in drone ay leeyihiin Turkey ay dusha ka taageerayaan maleeshiyaadka iyo ciidanka dowladda ee kasoo duulay Buurhakaba, taasoo ka dhigeysa in dowladda Turkiga ay la jirsaneyso dhanka maleeshiyaadka ay dowladda federaalka taageereyso ee ka horjeeda maamulka Koonfur Galbeed.

 

Weli dowladda Turkiga iyo safaaradeeda Muqdisho kama hadlin in diyaaradahooda ay ku lug leeyihiin dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Baay.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *