Xiisad Siyaasadeed: Lafta-gareen oo Fariin Culus u Gudbiyay Xasan Sheekh

Xiisad Siyaasadeed: Lafta-gareen oo Fariin Culus u Gudbiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa digniin adag u diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka digay in weerar kasta oo lagu soo qaado deegaannadiisa laga bixin doono jawaab milatari oo xooggan.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), ayuu Lafta-gareen si toos ah ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka fogaado daadinta dhiig Soomaaliyeed inta ka harsan mudda-xileedkiisa, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda nabadda iyo xasilloonida.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ku booriyay dowladda Federaalka inay xoogga saarto helidda xal loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, halkii ay abuuri lahayd xiisad iyo isku dhac hor leh.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii eedeymo kala duwan ay labada dhinac isu jeediyeen—taasoo sii hurisay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in hadallada is-dhaafsiga ah ay u gudbaan tallaabooyin milatari haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *