Baydhabo oo Gubaneysa: Iskahorimaadyo Xooggan oo Saameeyay Nolosha Dadka

Baydhabo oo Gubaneysa: Iskahorimaadyo Xooggan oo Saameeyay Nolosha Dadka

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in goordhow uu halkaasi ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

 

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo si gaar ah loo maqlayo jugta hubka culus iyo rasaas xooggan oo ka dhaceysa afaafka hore ee magaalada, taasoo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan deegaannada u dhow goobaha lagu dagaallamayo.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka oo ay wehliyaan kuwa mucaaradka ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo ka soo galay dhowr jiho, taasoo sii xoojisay culayska dagaalka.

 

Sidoo kale, waxaa cirka Baydhabo iyo nawaaxigeeda lagu arkayaa diyaarado Drone ah iyo kuwa qumaatiga u kaca, kuwaas oo la sheegay in ay qayb ka yihiin howl-galka militari ee ka socda halkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin cidda maamuleysa.

 

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana jira cabsi laga qabo in dagaalka uu sii fido, iyadoo aan weli la helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *