Guddoomiye Aadan Madoobe oo Baydhabo ka Bilaabaya Wajigii Cusbaa ee Siyaasadda”
Wefdi uu hoggaaminayo Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Baydhabo.
Wefdigan uu hoggaaminayo Aadan Madoobe ayaa la sheegay in ay qeyb weyn ka yihiin xildhibaanno si adag uga soo horjeeday hoggaankii hore ee maamulka Koonfur Galbeed.
Socdaalkan ayaa imaanaya kaddib markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, isla markaana xilka laga qaaday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Aadan Madoobe marka uu gaaro Baydhabo uu kulamo la qaadan doono mas’uuliyiinta cusub, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo xasilloonida iyo maamulka cusub ee ka hanaqaadaya magaalada.
Socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu tilmaamayaa mid xasaasi ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Koonfur Galbeed
