Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur oo si wadajir ah u gaarsiiyay bulshada raashiin gargaar oo ka yimid SODMA”
Gobolka Bakool iyo kan Degmada Huddur ayaa si wadajir ah u fuliyay qeybinta raashiin gargaar ah oo ay soo gaarsiisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), kaasoo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Raashiintan ayaa loo qeybiyay kun (1,000) qoys oo dan yar ah, kuwaas oo ka mid ah bulshada ugu nugul ee ku nool magaalada Huddur. Qeybinta ayaa u dhacday si nidaamsan, iyadoo maamulka heer gobol iyo degmo ay si dhow ula socdeen habsami u socodka howlaha, si gargaarku u gaaro dadka xaqa u leh.
Mas’uuliyiinta maamulka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka iyo Hay’adda SODMA taageerada ay soo gaarsiiyeen bulshada, iyagoo xusay in gargaaradani uu wax weyn ka tari doono xaaladda nololeed ee qoysaska danyarta ah.
