Muqdisho oo martigelisay Markabkii qodista shidaalka ee xeebaha Soomaaliya”

Muqdisho oo martigelisay Markabkii qodista shidaalka ee xeebaha Soomaaliya”

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka ee lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo safar dheer kaga yimid dalka Turkiga.

 

Markabkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo sahminta iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiri doonto munaasabad ballaaran oo lagu soo dhoweynayo.

 

Madaxda sare ee dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan.

 

Dhanka kale, waxaa si weyn loo adkeeyay amniga dekadda, iyadoo la joojiyay dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ganacsi, lana fasaxay shaqaalihii halkaasi ka howlgalayay.

 

Ciidamada Madaxtooyada ayaa si buuxda ula wareegay sugidda amniga dekadda iyo hareeraheeda.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in markabkan uu toddobaadka soo socda u jihaysan doono xeebaha Galmudug, halkaas oo laga wado sahanno shidaal, si loo dardargeliyo qorshaha soo saarista shidaalka dalka.

 

Arrintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u horseedi karta horumar dhaqaale, isla markaana yareyn karta ku tiirsanaanta shidaalka dibadda laga keeno.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights