Sunday, May 19, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la diyaariyay Ciidamo suga Amniga doorashada

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la diyaariyay Ciidamo suga Amniga doorashada

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in laaGuddiga amniga doorashooyinka ay u diyaar garoobeen sugida amniga doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan heshiiska lag gaaray.

Taliye Xijaar waxaa uu hadalkiisa u intaasi ku daray in gudiga amniga oo ka kooban dhamaan Hay’adaha Amniga Soomaaliya & booliska AMISOM la sameeyay Bishii Agoosto ee sanadkii 2019-kii , isla markaana Shaqooyin dhowr ah uu qabtay.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in Guddiga uu ka qeyb qaatay sugida amniga doorashooyin ka dhacay qaar kamid ah dowlad Goboleedyada, qaarkodna ay booqasho ku tageen sida, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn taliye Xijaar waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay awood u leeyihiin sugidda amniga doorashada ayna mas’uul ka yihiin Amniga dadka wax dooranaya, kuwa la dooranayo iyo Goobta ay doorashada ka dhaceyso.

Warkan kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli heshiis laga gaaray todobaadkii hore murankii ka jiray doorashada Soomaaliya lana fulayo inay dhawaan bilaabato.

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...