Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Xiritaanka Tartanka Orodka si Sharaf Leh uga Qeyb Galay

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Xiritaanka Tartanka Orodka si Sharaf Leh uga Qeyb Galay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay xiritaanka tartanka orodka Toddobaadka Ciyaaraha Nabadda iyo Horumarka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo la orday qeyb ka mid ah Masaafada 3 Kiiloomitir, dhallinyaro gaaraysa 300 oo orodyahan ayaa sannadkan loogu magac daray Karaaciin iyo Saamiya ee Toddobaadka Nabadda iyo Horumarka Isboortiga.

 

Markii uu tartanku soo idlaaday, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa billado iyo abaalmarinno guddoonsiiyey dhallinyaradii kaalmaha hore ka galay tartanka, isaga oo ku bogaadiyey dadaalkooda iyo anshaxa ciyaareed ee ay muujiyeen.

 

Orodkan ayaa ka tarjumaya horumarka dhanka nabadda ee dalku ku tallaabsanayo iyo isku duubnida dhallinyarada ee rejada wanaagsan ee ku aaddan mustaqbalka dalkeenna iyo horumarka guud ee Qaranka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights