March 16, 2025

PUNTLAND ayaa qaaday talaabo la yaab leh oo ka soo horjeeda DF – Waa maxay?

64 / 100

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu xilligan khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo yaab leh, ugana sii dareyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Puntland ayaa si cad u diiday qorshaha ay waddo dowladda dhexe ee ku aadan qaadashada kaarka hay’adda NIRA oo haatan laga bixinayo magaalada Muqdisho, lana geeyay qaar kamid ah gobollada dalka.

Kaarka ayaa ah aqoonsi muwaadinimo oo ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo la rabo inay qaataan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale muhiim u yahay doorashada dadweynaha ee ay rabto in Villa Soomaliya ka qabato dalka, inkastoo weli uu ka taagan yahay is faham-waa xooggan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland Mudane Faysal Sheekh Cali oo arrintan si adag uga hadlay ayaa ku hanjabay in tallaab adag ay ka qaadayaan qof weliba oo reer Puntland ah  oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta dowladda federaalka Soomaaliya.

Faysal Sheekh ayaa intaasi kusii daray in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda uu ku leeyahay Puntland, balse ma caddeyn tallaabada ay qaadayaan ama waxa ay tahay xuquuqda uu waynayo qofka qaata kaarka hay’adda NIRA.

Sababta ugu wayn ee ay Puntland ku diiday arrintan wuxuu ku sheegay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aaan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa Xuquuqda Muwaadinnimo ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama ay Puntland qaadatay go’aan uga sii daraya khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna arrintu mareysaaa meel halis ah oo haddii aan wax laga qaban keeni doonto saameyn intaan ka ballaaran.

Horay Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddalka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe oo haatan sii kala fogaanayo.