Dib u dhac ku yimid shirkii mucaaradka: Sababaha ka dambeeya go’aanka
Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho ayaa sheegay in ay dib u dhigeen shir ay magaalada Garoowe ku yeelan lahaayeen, kaas oo qorsheysnaa 10-ka bishan Abriil.
Qoraal ka soo baxay Golaha ayaaa lagu yiri “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa dib-u-dhigidda shirkii hore u qorsheysnaa ee ku muddeysnaa 10-ka Abriil 2026”.
“Golahu wuxuu isla gartay in loo baahan yahay waqti dheeraad ah, si loo helo wadatashiyo buuxa, loona ballaariyo gogosha iyo ka qaybgalka saamileyda, lana abuuro jawi wadahadal oo wax ku ool ah” ayaa la raaciyay.
Golahu wuxuu xusay in ay dib ka soo sheegi doonaan taariikhda cusub ee shirkaasi dhici doono.
