March 17, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka lataliyenini ka qaaday Maxamaed Xasan Ibraahim(Qoone)

62 / 100

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.