Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku biiray hawlgalka dalka ka socdo ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii cutubyo ka tirsan laga ambabixiyay Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo shalay galab oo Axad ahayd ciidamadaasi kula hadlay Xarunta Taliska Asluubta ee Muqdisho ayaa u sheegay inay dagaal u socdaan.
“Dagaal ayaad u socotaan, ma idiinka qarinaayo, waxaadna wadataan qoriga aakaha (AK47) iyo hubka waaweyn, intaba. Waxaa waaye cadowga ku dil, adna isku difaac.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay “Waxaa na laga rabaa asluub, akhluuq, deganaan iyo xusuus ah wixii na loo soo diray. Nin walba wixii loo diray inuusan hilmaamin oo maskaxdiisa ay ku duubnaato.”
General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaan ciidamada u sheegin goobta loo wado.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya jiidda ay ciidamadu u ruqaansadeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo daabulay duleedka Degmada Afgooye oo walaac amni uu ka jiro, ka dib markii Shabaabka la sheegay inay culeys soo saareen, halka wararka kalena ay sheegayaan inay ku wajahan yihiin Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamadan oo la socda gaadiidka askarta lagu daabulo ayaa ka dhaqaaqay xaruntooda, si sax ahna looma sheegin halka ay ka hawlgali doonaan.
Waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo Ciidanka Asluubta loo diro aagagga dagaalka, inta la xusuusto, muddadii dagaalka lagu la jiray Al Shabaab.