Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan ayaa sheegay in Mareykanku uu ku guuldareystay inuu kalsooni ka helo wafdiga Iiraan ee wadahadallada ku jira
Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa Axaddii sheegay in wafdiga waddankiisu ay soo bandhigeen hindisayaal “horudhac ah” intii lagu jiray wadahadalladii ka dhacay Islamabad ee dalka Pakistan, laakiin Mareykanku wuu ku guuldareystay inuu helo kalsoonida wafdiga wadahadallada.
“Mareykanku wuxuu fahmay mab’da iyo mabaadi’da Iiraan, waana waqtigii ay go’aansan lahaayeen inay kasban karaan kalsoonidayada iyo in kale,” Ghalibaf, oo ka mid ahaa kooxda wadahadallada Iiraan, ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay X.
