Hogaamiyaha Xisbullah oo ku booriyay dowladda Lubnaan inay ka baxdo wadahadallada Israa’iil

Hoggaamiyaha Xisbullah Naim Qassem ayaa diiday kulan ay dowladda Lubnaan iyo Israa’iil ku yeelan doonaan Mareykanka, isagoo ku tilmaamay dadaallada noocaas ah kuwo “aan waxba tarayn” maadaama ciidamada Israa’iil ay sii xoojinayaan weerarrada ay ku hayaan Lubnaan.
Khudbad uu Isniintii ka jeediyay telefishinka, Qassem wuxuu ugu baaqay dowladda inay qaadato “mowqif taariikhi ah oo geesinimo leh” iyadoo aan ka soo qayb gelin wadahadallada la qorsheeyay.
Safiirada Lubnaan iyo Israa’iil ee Mareykanka ayaa la qorsheeyay inay ku kulmaan Washington, DC, Talaadada si ay uga wada hadlaan wadahadallo toos ah oo dhexmara labada dal.
Qassem wuxuu sheegay in wadahadalladu ay yihiin xeelad lagu cadaadinayo Xisbullah inay hubka dhigto.
“Israa’iil waxay si cad u sheegaysaa in hadafka wadahadalladan uu yahay in hubka laga dhigo Xisbullah, sida [Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin] Netanyahu uu si isdaba joog ah u sheegay. Markaa, sidee baad u geli kartaa wadahadallo ujeeddadoodu horeba u caddahay?” Qassem ayaa yiri.
“Ma nasan doonno, ma joojin doonno ama is dhiibi doonno. Taa beddelkeeda, waxaan u oggolaan doonnaa goobta dagaalka inay iska hadasho,” ayuu raaciyay.
