Howlgallo Lagu Xaqiijinayo Amniga oo ay Wada Fuliyeen Dowladda iyo Jubbaland

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.
Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, waxaana lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan tuulooyinka Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay goobo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanadaasi, iyagoo sidoo kale khasaare gaarsiiyay dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay ugu yaraan 27 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, halka sidoo kale lagu qabtay xubno muhiim ah oo ka mid ah kooxda.
Dhanka kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo sidoo kale miinooyin ay kooxdaasi damacsaneyd inay ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka ku nool gobollada Jubbooyinka.
