Xarig iyo Cambaareyn: Dhalinyaro la Xiray, Siyaasiyiin si Adag uga Hadlay

Siyaasiga Maxamed Aadan Koofi oo ka mid ah siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u cambaareeyay xarigga Muqdisho loogu geystay dhalinyaro la sheegay inay ka aragti duwan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray ayuu Koofi ku sheegay in xalay Muqdisho lagu afduubtay labo dhalinyaro ah oo kala ah Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed, isagoo xusay in ilaa hadda aan la ogeyn halka lagu hayo.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa afduubka xalay Muqdisho loogu geystay dhallinyarada kala ah Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed, welina aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Koofi.
Siyaasigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in caddaaladda iyo sarreynta sharcigu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee ay ku dhismaan amniga iyo dowladnimada, isagoo tilmaamay in meel aan caddaalad ka jirin aysan jiri karin dowladnimo sugan.
“Tiirka ugu muhiimsan ee amni iyo dowladnimo ay ku istaagaan waa caddaaladda iyo sarreynta sharciga. Meel aan caddaaladi ka jirin, sharciguna ka hooseeyo madaxda, amni iyo dowladnimo kama jiri karaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Maxamed Aadan Koofi ayaa ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo dhalinyarada la afduubtay, isla markaana la joojiyo xadgudubyada noocaan oo kale ah. Wuxuu sidoo kale dalbaday in xorriyaddeeda dib loo siiyo Sacdiyo Macallin Cali oo hore loo sheegay in la afduubtay.
Ugu dambeyn, wuxuu ku booriyay hay’adaha amniga inay dhowraan xuquuqda muwaadiniinta iyo sharciga dalka
