Monday, May 20, 2024

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Booliska Soomaaliya oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Booliska Soomaaliya oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ( Duudishe) ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye uu ahaa mid loo adeegsaday ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka oo Warhaabinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Goobta la qarxiyay ay aheyd meel mashquul badan, balse ay qaraxa ku dhinteen laba ruux oo uu kujro ismiidaamiyihii iyo Haweeney Shacab ah.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in 28 ruu oo kale oo Shacab ahaa ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, isla markaana hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xiriira qaraxa.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ay ku waxyeeloobeen dadka Shacabka ah e ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye ee  Magaalada Muqdisho

RELATED ARTICLES

Muxuu Yahay Xalka Labada Dhiinac khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe...

Mid, Kamid Ah  Ayaa Ka Soo Goostay Shabaab

Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Aadan...

Dowlada Federaalka Somaliya Oo Ku Faantay Arrin Ay Sheegtay inay Dalal Badan uga Horeyso – Maxay Tahay ????

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda...