Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa xalay hawlgal amni ah ka bilaabay deegaanada u dhaxeeya Wisil iyo Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, ka dib markii lagu arkay maleeshiyada Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa Saraakiisha Ciidamada Galmudug u sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ay yimaadeen halkaasi, taa oo keentay inay Daraawiishta Galmudug ku baxaan.
Lama soo sheegin iska horimaadyo deegaanadaasi ku dhex maray Ciidanka Daraawiishta iyo Al Shabaab, iyadoona hawlgalku uu weli socdo.
Deegaanka Bacaadweyne oo muhiim u ahaa Maamulka Gobolada Dhexe ka dhisan ayaa waxaa bartamihii bishii May la wareegay maleeshiyada Shabaabka.
Saraakiisha Galmudug ayaa sheegaya inay ka war hayaan tirada Shabaabka ee ku sugan Bacaadweyne, isla-markaana ay ciidanku u diyaarsan yihiin, sidii ay kaga saari lahaayen.
Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo mar sii horeysay la kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo AMISOM ayaa ka dalbaday xaqiijinta amniga deegaanada Galmudug iyo in Shabaabka laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin.