Dowladda Federaalka oo Ku Dhawaaqday Guluf Ka Dhan ah Jubbaland, Xiisad Hor Lehna Abuurantay”

Dowladda Federaalka oo Ku Dhawaaqday Guluf Ka Dhan ah Jubbaland, Xiisad Hor Lehna Abuurantay”

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee qeybta Jubaland, ahna Hoggaanka Amniga Deegaannada Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ayaa hoggaamiyay shir muhiim ah oo ay ka qeybgaleen saraakiil kala duwan oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Gedo.

 

Shirka oo ka dhacay xerada ciidanka ee UK ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay saraakiil ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Gedo, maamulka degmada iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Militariga, Booliska iyo Nabad Sugidda.

 

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso guluf dagaal oo ka dhan ah maamulka Jubaland, si ay ula wareegto gacan ku heynta degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Sidoo kale, dowladda ayaa la sheegay in ay damacsan tahay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca degmooyinka gobolka Gedo, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka.

 

Taliyaha NISA ee Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, ayaa la rumeysan yahay in loo xilsaaray hoggaaminta howlgalka lagu doonayo in lagu soo celiyo degmooyinka ka maqan gacanta dowladda Federaalka.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights