Mareykanka oo Gacanta u Fidiyay Eritrea—Xiriir Cusub iyo Su’aalo Ka Taagan Cunaqabateynta”

Warbixin uu daabacay wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegaysa in dowladda Mareykanka ay ka fiirsaneyso dib-u-habeyn iyo hagaajin lagu sameeyo xiriirka kala dhexeeya Eritrea, iyadoo ay jirto suurtagalnimada in la dabciyo cunaqabateynta saaran dalkaas. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo dib loogu eegayo siyaasadda gobolka Badda Cas.
Warbixinta oo soo xiganeysa saraakiil hadda xilal haya iyo kuwo hore, ayaa tilmaamaysa in qorshahan oo weli dib-u-eegis ku jira uu yahay mid lagu doonayo in dib loo furo xiriir diblumaasiyadeed oo heer sare ah oo lala yeesho Eritrea, oo muddo dheer go’doon ku jirtay, isla markaana gacanta ku haysa xeeb ka badan 1,120 kiiloomitir oo ku teedsan Badda Cas.
Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli Washington ay dadaal ugu jirto ka hortagga khataraha isa soo taraya ee ku wajahan marinnada badda, oo ay ka mid yihiin kuwa ay wadaan Iran iyo xulafadeeda gobolka.
Xaaladdan diblumaasiyadeed ayaa sii degdegay iyadoo ay cirka isku shareertay xiisadda marinnada muhiimka ah ee maraakiibta. Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen, isla markaana ay taageerto Iran, ayaa marar badan ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto maraakiibta mara marin-biyoodka Bab al-Mandeb, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Dhanka kale, Tehran ayaa muujisay dadaallo ay ku xaddidayso isu socodka maraakiibta ee marin biyoodka Hormuz.
Saraakiisha Mareykanka ayaa aaminsan in juqraafi ahaan Eritrea ay door muhiim ah ka ciyaari karto ilaalinta marinnada kale ee badda ee muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqdhaqaaqa milatari, sida lagu sheegay warbixinta.
