Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Dagaal iyo Hub ay Lahaayeen Daacish

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Dagaal iyo Hub ay Lahaayeen Daacish

Hawlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Daacish ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee deegaanka Tasjiic, gobolka Bari, kaddib markii la helay xog sirdoon oo muujinaysay in xubno ka tirsan kooxdaasi ay u socdeen inay saad ka helaan togga Tasjiic.

 

Hawlgalka waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamada PISA iyo kuwa Mahiigaan, kuwaas oo si taxaddar leh u diyaariyay qorshaha weerarka. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaadiid, hub iyo saad ay kooxdaasi lahayd, inkastoo xubnihii Daacish ay u suurtagashay inay goobta ka baxsadaan.

 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada ay haatan wadaan dabagal lagu baadi-goobayo xubnihii firxaday, iyadoo la adkeynayo ammaanka deegaanka si looga hortago dhaq-dhaqaaqyo kale oo ay kooxdaasi sameyso.

 

Hawlgalka waxaa hoggaaminayay Taliye Maxamuud Khaliif Askar Xuseen, oo ah sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Mahiigaan ee saldhiggoodu yahay deegaanka Tasjiic. Taliyaha ayaa tilmaamay in hawlgallada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha gobolka Bari.

 

Ugu dambeyn, hawlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga gobolka Bari, iyadoo ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannada fog-fog.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights