Murugo iyo Argagax: Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Koonfur Afrika, muuqaal naxdin lehna la baahiyay”

Murugo iyo Argagax: Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Koonfur Afrika, muuqaal naxdin lehna la baahiyay”

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo burcad hubeysan ah ay dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada ku nool dalkaas, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.

 

Alle ha u naxariistee, marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mukhtaar Cumar ayaa lagu dilay deegaanka Strand oo hoos taga magaalada Cape Town, kadib markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen dukaankiisa. Wararka ayaa intaas ku daraya in raggii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, iyadoo ilaa hadda aan la shaacin cid loo qabtay falkaas.

 

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn uga naxdin gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada ku sugan deegaannada hoos yimaada Strand, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka jireen falal amni darro iyo weerarro lagu bartilmaameedsanayo ajaanibta ganacsatada ah.

 

Sidoo kale, baraha bulshada ayaa si ballaaran loogu faafiyay muuqaal muujinaya muwaadinka oo lagu hor tooganayo albaabka dukaankiisa, taas oo sii kordhisay welwelka laga qabo amniga ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas. Dad badan ayaa ku tilmaamay muuqaalka mid argagax leh oo muujinaya heerka halista ee ay wajahayaan dadka ajaanibta ah.

 

Bishan gudaheeda oo kaliya ay ugu yaraan toddobo muwaadiniin Soomaaliyeed lagu dilay deegaannada hoos yimaada magaalada Cape Town, taas oo sare u qaadaysa tirada dhimashada ee la xiriirta falalka burcadda.

Farxaan Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Verified by MonsterInsights