Laamaha Ammaanka Baydhabo oo Heegan Buuxa la Geliyay Kahor Doorashada

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Xasan (John), ayaa kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah goobaha ay bulshada magaalada Baydhabo ku kulmaan, isaga oo ay wehliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Kormeerkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo xoojinta feejignaanta amni ee magaalada, gaar ahaan iyadoo lagu jiro marxalad xasaasi ah oo la xiriirta doorashooyinka soo socda. Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda guud ee amniga, isaga oo qiimeyn ku sameeyay howlgalada ay wadaan ciidamada kala duwan ee ka howlgala Baydhabo.
Intii uu socday kormeerka, Wasiirka ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa laamaha amniga, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladda amni, guulaha la gaaray iyo sidoo kale caqabadaha weli jira ee u baahan in wax laga qabto.
Mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa si gaar ah ugu ammaanay ciidamada amniga dadaallada ay ku bixiyaan sugidda nabadgelyada, isaga oo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan howlahooda si loo xaqiijiyo xasillooni waarta, isla markaana looga hortago falal kasta oo amni darro keeni kara.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah, isagoo xusay in wada shaqeyn dhab ah ay fure u tahay sugidda amni buuxa.
