Taliyaha CXD oo Booqday Jiidda Hore ee Dagaalka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Dhiirrigelinna u Muujiyay Ciidamada

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii kormeeray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan jiidda hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Taliska Militariga oo xalay war ka soo saaray kormeerka Taliyaha ayaan lagu sheegin goobta rasmiga ee uu ciidamadu ku booqday, iyadoo Taliyuhu uu watay diyaarad helicopter ah.
“Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay geesinimada iyo naf hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka iyo ciribtirka cadowga, isagoo xusay in ay yihiin tiirka amniga iyo xasilloonida dalka. S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa cutubyada ku sugan jiidaha hore, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda amni iyo guulaha laga gaaray hawlgalada ka dhanka ah cadowga.”
Warka ayaa intaasi ku daray “Taliyaha ayaa ugu dambayn ciidamada ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalada ay ugu jiraan difaaca dalka, isagoo u rajeeyay guul iyo badbaado dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka.”
SAWIRRO lagu baahiyay bogga wararka ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muujinaya in Taliyaha uu la afuray ciidamada, ka dibna uu isagu tujiyay Salaadda Maqribka.
Kormeerkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku tago aagagga dagaalka ee Gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii uu xilka qabtay.
General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa jegada ugu sarreysa ee Militariga Somaliya loo magacaabay 29-kii bishii January, waxaana uu xilka la wareegay 4-tii bishii xigtay ee February, isagoona bedelay General Odawaa Yuusuf Raage.






