Dhacdadii Qalbiga Gilgishay: Shaqaaqo Muqdisho ka Dhacday oo Dishay Carruur Walaalo ah”

Shaqaaqo xooggan oo maanta ka dhacday xaafadda Waayaabeysaa ee degmada Xamar Jajab ayaa sababtay dhimashada laba carruur ah oo walaalo ahaa, halka hooyadood oo xaamilo ahayd ay sidoo kale ku dhaawacantay, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.
Shaqaaqadaan ayaa ka dhalatay kadib markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen in ay fuliyaan howl burburin guryo ay sheegeen in ay si sharci darro ah u deganaayeen dad shacab ah. Dadka deegaanka ayaa ka hor yimid qorshahaas, taas oo dhalisay iska horimaad iyo xiisad culus.
Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka, waxaa dhacay dhagax tuur iyo iska caabin xooggan oo u dhexeeyay shacabka iyo ciidamada, taas oo ugu dambeyn keentay in rasaas la rido. Rasaastaasi ayaa lagu soo waramayaa in ay sababtay dhimashada labada carruurta ah iyo dhaawaca hooyadood.
Xaafadda Waayaabeysaa ee degmada Xamar Jajab ayaa lagu soo waramayaa in ay weli ka taagan tahay xiisad aad u kacsan, iyadoo dadka deegaanka ay ka caroodeen dhacdada. Qaar kamid ah dadka ayaa dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo burburinta guryaha iyo in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo waxa dhacay.
Dhacdadan ayaa noqotay mid murugo leh oo hadal-heyn badan ka dhalisay magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka iyo dowladda laga sugayo in ay ka shaqeeyaan xal degdeg ah oo lagu qaboojiyo xiisadda, loogana hortago in ay sii xumaato xaaladda amni ee deegaanka.
