Safaaradda Mareykanka ee Beirut ayaa Khamiistii sheegtay in xabad joojinta hadda la wado Israa’iil ay siineyso Lubnaan “meel bannaan iyo fursad ay ku soo bandhigto dhammaan dalabaadkeeda sharciga ah iyadoo si buuxda u fiirineysa Dowladda Mareykanka.”
“Lubnaan waxay taagan tahay isgoys. Dadkeedu waxay haystaan fursad taariikhi ah oo ay dib ugu soo ceshadaan dalkooda oo ay mustaqbalkooda u qaabeeyaan sidii qaran madax-bannaan oo dhab ah,” ayay safaaraddu ku tiri qoraal ay soo dhigtay X.
Safaaraddu waxay sheegtay in wadahadallada tooska ah ee u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil ay calaamad u noqon karaan bilowga dib u soo nooleynta qaran. Horraantii toddobaadkan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay muddo saddex toddobaad ah oo lagu kordhinayo xabbad joojinta asalka ah ee 10-ka maalmood ah. Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ay isku arki doonaan Aqalka Cad.
“Kulan toos ah oo dhexmara Madaxweyne Aoun iyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, oo uu fududeeyay Madaxweyne Trump, ayaa fursad u siin doona Lubnaan inay hesho dammaanado la taaban karo oo ku saabsan madax-bannaanida buuxda, sharafta dhuleed, xuduudaha amniga, taageerada bani’aadamnimada iyo dib-u-dhiska, iyo dib-u-soo-celinta buuxda ee awoodda dawladda Lubnaan ee ku aaddan inji kasta oo dhulkeeda ah – oo ay dammaanad qaadayso Mareykanka,” ayay tiri safaaradda Khamiistii.
“Kani waa waqtigii Lubnaan ay go’aansan lahayd masiirkeeda, mid ay leeyihiin dhammaan dadkeeda. Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu la garab istaago Lubnaan isagoo fursaddan ku qaadanaya kalsooni iyo xigmad. Waqtigii shakiga waa dhammaaday.”



